LA LIGA: Barcelona oo guul muhiim ah ka gaartay kooxda Sevilla + SAWIRRO

(Barcelona) 05 Abriil 2017 Kooxda Barcelona ayaa guul muhiim ah ka gaartay dhigeeda Sevilla oo caawa marti ugu ahayd garoonka Camp Nou, waxayna ugu awood sheegatay 3-0.

Barcelona ayaa qaab weerar ah ku soo gashay ciyaarta, 25-daqiiqo Suarez ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa kadib baas fiican oo uu ka helay Messi, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 1-0.

28 daqiiqo Barcelona ayaa weerar rogaal celis ah ku soo qaaday goolka Sevilla, Suarez ayaana baas fiican siiyay Messi, laacibka reer Argentina ayaana si aqliyeeysan shabaqa u dhex dhigay, wuxuuna ka dhigay 2-0.

33 daqiiqo Isla Messi ayaa hogaanka u sii dheereeyay kooxdiisa, kadib markii uu shuud xoogan daba mariyay goolhayaha Sevilla, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 3-0.

Qaybtii hore ayaana lagu kala nastay natiijadaas, balse qaybtii dambe Sevilla ayaa u muuqatay mid xoogaa ka roon qaabkii ay ahaayeen qaybtii hore.

Natiijada qaybtii dambe ee ciyaarta waxba iskama badalin inkasta oo Vitolo uu casaan ka qaatay Sevilla dhamaadkii ciyaarta.

Ciyaarta ayaana ugu danbayntii ku soo idlaatay 3-0.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close