EPL: Arsenal oo ka soo baxday booska 6-aad kadib guul ay ka gaartay West Ham + SAWIRRO

(London) 05 Abriil 2017 Kooxda Arsenal ayaa ka soo baxday booska 6-aad ee kala saraynta jadwalka horyaalka kadib guul raaxo leh oo ay ka gaartay caawa kooxda West Ham, waxayna uga adkaatay 3-0.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si xiiso leh, ciyaartoyda Arsenal ayaana garoonka la soo galay weerar aan kala joogsi lahayn.

Alexis Sanchez, Welbeck iyo Walcott ayaa Arsenal ka khasaariyay fursado dhawr ah oo kooxdu ay ku qaban kartay hogaanka ciyaarta qaybteedii hore.

Elneny ayaa laga badbaadiyay fursadii ugu halisanayd qaybtii hore, waxaana kubadd goolka u furnayd oo uu soo laaday isku dhigay James Collins.

Qaybtii hore ayaana ku soo idlaatay 0-0.

Qaybtii dambe Arsenal ayaa halkeeda ka sii waday weerarka, 58 daqiiqo Ozil ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa Arsenal, kadib laad cajiib ahaa oo uu daba mariyay goolhaye Randolph, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 1-0.

Daqiiqad kadib Walcott ayaa kubadd fiican siiyay Welbeck oo goolka u furnaa, laakiin weerar yahanka reer ingiriis ayaa kubadda ku garaacay goolhayaha.

68 daqiiqo Walcott ayaa hogaanka u sii dheereeyay Arsenal kadib kubadd ay isku dhufsadeen Ozil iyo Sanchez oo kadib banaanka loo soo dhigay, wuxuuna ka dhigay 2-0.

83 daqiiqo Giroud oo badal ku soo galay ayaa ciyaarta hurdo u diray, wuxuuna gool qurxoon u badalay kubadd uu ka soo shaqeeyay Chamberlain, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 3-0.

Ciyaarta ayaana ugu danbayntii ku soo idlaatay 3-0 oo ay guushu ku raacday kooxda macalin Arsene Wenger.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close