Arsenal oo dhibaato dhanka goolhayaha ah wajahaysa kulanka caawa ee West Ham United

(London) 05 Abriil 2017 Kooxda Arsenal ee dalka ingiriiska ayaa wajahaysa dhibaato dhanka goolhayaha ah ka hor kulanka West Ham United ee caawa.

ESPN ayaa ogaatay in David Ospina uu dhibaato ka qabo dhanka caloosha taas oo ka hor istaagi karta inuu ka soo muuqdo kulanka caawa ee West Ham United.

Kooxda ayaana xili hore dhaawac ku waysay goolhayehooda koowaad ee Petr Cech, Arsenal ayaana ciirsan doonta goolhayaha lambarka 3-aad ee Emiliano Martinez kaas oo aan u ciyaarin kooxda kulan Premier League ah tan iyo December 2014.

Goolhaye Martinez ayaa amaah ku aaday xiliciyaareedkii hore kooxda Wolves, wuxuuna ku soo bilowday dhamaan 3-dii kulan ee Arsenal ay xiliciyaareed kan ciyaartay koobka EFL Cup.

David Ospina ayaa ciyaaray kulankii Arsenal ay 2-2 lagashay Manchester City, wuxuuna daawayn u baahday qaybtii dambe ee ciyaarta markaas oo uu ka sheegtay dhaawac.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close