Yaa ka dambeeyey in Ronaldo xirto lambarka 7-aad ee Manchester United?

wayne-rooney-cristiano-ronaldo-manchester-united-premier-league_natksrcr3a0r1j1238g4yfb0y

(Manchester) 04 Abriil 2017. Tababbarihii Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa ka dambeeyey in Cristiano Ronaldo xirto lambarka toddobaad ee kooxda.

Xiddiga Portugal oo iminka Real Madrid ugu caan baxay CR7 waxaa sababteeda lahaa hadalkii daacadda ahaa ee uu kula hadlay Ferguson markii uu yimi Old Trafford.

Ferguson waxa uu ku yiri Ronaldo oo da’yaraa: “Fiiri, waxaan rabaa in aad xirato lambarka 7,” sidaas waxaa daaha ka rogay xiddiga oo ka hadlaya xaflad.

“Waan yaabay maxaa yeelay waxaan ogaa dhamaan ciyaaryahanadii waa weynaa ee hore maaliyadaas u xirtay.”

Ronaldo waxa uu sare ugu kacay Real Madrid, laakiin intii uu England joogay ayuu wadadaas hayey, isaga oo ku guuleystay Ballon d’Or-ka 2009.

“Waxa ay ahayd bilowgii guulahayga kubadda cagta,” ayuu ku daray. “Ma horumarin xirfadeyda kubadda cagta, laakiin xitaa jirkeyga.

“Shantii sano ee aan halkaas joogay, waxaan bartay farshaxanka kubadda cagta. Wax badan ayaan kuwada guuleysanay. Riyo ayey ii ahayd.”

Tan iyo markii uu Madrid yimi, Ronaldo waxa uu ku guuleystay saddex jeer Ballon d’Orka waaana loo aqoonsan yahay midka ka mida xiddigaha ugu wanaagsan jiilkiisa, waxaana ku weheliya Lionel Messi.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close