Waa sidee xaalada caafimaad ee Roberto Gagliardini? (Imisa ayuu maqnaanayaa?)

(Milano) 04 Abriil 2017 – Inter Milan ayaa ku dhawaaqday in scan la saaray laacibka khadka dhexe ee Roberto Gagliardini “uu muujinayo in aanu laacibku qabin dhaawac halis ah”.

Waxaa lasoo werinayaa inuu laacibku ka murgacday anqowga kulankii ay xalay gurigooda uga adkaatay kooxda kooxihii waawayn badkood garaacday ee Sampdoria, balse waxaa laga walwalsanaa qarada dhaawaca.

Waxaase hadda lasoo sheegayaa in uu laacibka soo gaarey dhaawac Darajada Koowaad ah oo aan sidaa u dhib badnayn taasoo ka dhigan inuu maqnaan doono wax aan todobaad sidaa uga bandnayn.

 

“Tijaabooyinka raajadu waxay muujinayaan inuusan jirin dhaawac  halis ah oo gaarey anqowga laacibka,” ayaa lagu yiri wa lasoo dhigay Twitter-ka rasmiga ah ee Beneamata.

Warkan ayaa la micne ah in Gagliardini uu sidaa ku seegi doono kulanka ay ugu safrayaan Crotone todobaad-dhamaadka soo aaddan, balse uu u diyaar noqon karo kulanka Derby della Madonnina oo ku beegan fasaxa Sabtiga Easter-ka ama Abriil 14.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close