Taageerayaasha Arsenal oo saakay dibad bax ka dhigay xerada tababarka kooxda

SSSS

(London) 04 Abriil 2017. Weli ma jabin carada taageerayaasha careysan ee Arsenal kuwaa oo mar uun doonaya inay arkaan Wenger oo iska dhiibay xilka Gunners.

Haddii aad ogeyd in taageerayaasha Arsenal ay kulamo badan soo bandhigeen boorar ka dhan ah macallinka reer France iyagoo xitaa dayuurad soo kiciyay ku darso markan saakay waxay dib bax ka dhigeen xerada tababarka kooxda ee London Colney.

Taageerayaasha ayaa waxaa ka mid ahaa boorarkii ay saakay wateen:

“Wenger tag, maya heshiis cusub.

“Tag Wenger, Alexis Sanchez joog.

Arsenal fans turned up to the training ground to protest against Arsene Wenger

Taageerayaasha ayaa sidoo kale codsanayay is badel maadaama uu Wenger waqti badan joogo, waxay sidoo kale codsanayeen in Sanchez uu kooxda sii joogo xilli uu shaki wayn ku jiro mustaqbalkiisa kooxda.

Waxaa la sheegay inay tahay markii ugu horresay ay taageerayaasha dibad bax ka sameeyaan xerada tababarka kooxda.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close