PSG oo wadahadalo la furtay wakiilka Sanchez iyo kooxda reer France oo ku howlan inay ka dul qaado Chelsea

(Paris) 04 Abriil 2017 Kooxda PSG ayaa si wayn u doonaysa saxiixa laacibka ka gadoodsan Arsenal ee Alexis Sanchez kaas oo sidoo kale lala xiriiriyay kooxda Chelsea.

Sida laga soo xigtay Radio Monte Carlo (RMC) ee dalka faransiiska, kooxda PSG ayaa wadahadalo la furtay wakiilka laacibka Arsenal ee Alexis Sanchez.

Wakiilka Sanchez ayaa dhawr jeer la kulmay maamulka kooxda PSG, bixitaanka laacibka reer Chile ee dhamaadka xiliciyaareedkan ayaana haatan ah mid si wayn loo filayo.

Alexis Sanchez ayaa u muuqda mid la dhacay mashruuca kooxda PSG, laakiin Arsenal kuma iibin doonto wax ka yar 50 milyan oo euro.

Sidoo kale kooxda Chelsea ayaa aad u doonaysa saxiixa Alexis Sanchez, balse Arsenal ayaan doonayn in laacibkeeda ay ka iibiso koox ay tartamaan.

Idaacada ayaa intaa ku dartay in Alexis Sanchez uu la kulmi doono isbuucaan maamulka Arsenal si uu go’aan uga gaaro mustaqbalkiisa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close