Lionel Messi oo qandaraas cusub u saxiixaya Barcelona [Cadena SER]

lionel-messi_3zemoxd9wn0z1bo2elz1frf4d

(Catalonia) 04 Abriil 2017. Lionel Messi waxa uu qandaraas cusub u saxiixi doona Barcelona bisha dambe, sidaas waxaa baahisay Raadiyaha Cadena SER.

Ciyaaryahanka iyo kooxdaba waxa ay isku afgaran waayeen in ay isla meel dhigaan heshiis muddooyinkii ugu dambeeyey.

Arintaas waxa ay dhalisay in la’isla dhexmaro xan sheegaysa in Argentine-ka ka socdo Camp Nou.

Hase ahaatee, taas waxa ay soo gaba gaboobi doontaa bisha Maajo kolka uu saxiixo heshiis shan sano ah.

Messi waxaa si weyn u baadi goobeysay Manchester City oo rabta in uu dib ula midoobo Pep Guardiola.

Kabtabka Argentina waxaa dhawaan garka loo galiyey ganaax afar kulan ah kaddib markii uu aflagaadeeyey calanwadaha xilli uu gudanayey waajibaadkiisa xulka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close