Akhbaar aad u xun oo u soo yeertay Liverpool…(Sadio Mane oo garoomada ka maqnaan kara inta ka harsan kal ciyaareedkan)

mane

(England) 04 Abriil 2017. Sadio Mane ayaa seegi karaya inta ka harsan xilli ciyaareedkan sida uu xaqiijiyay tababare Jurgen Klopp.

Dhaliyaha reer Senegal ayaa waxaa soo gaaray dhaawac Jilibka ah kulankii sabtida ee Merseyside derby kaa ay 3-1 ku dubteen Everton isagoona garoonka ka baxay daqiiqadii 57-aad.

Klopp ayaa xaqiijin boqolkiiba boqol in Mane uu ka maqnaan doono garoomada inta ka harsan fasal ciyaareedkan laakiin wuxuu muujiyay suuro galnimada.

Mar uu hadlayay ka hor kulanka berito ee Bournemouth, tababaraha ayaa yiri.

“Nasiib darro taasi waa macquul, marka uu jilib bararsan yahay, ma ahan badanaa inaan maqlo inuusan waxba ahayn.

“Waxaan sugeynaa qiimeynta ugu dambeysa. Waa suuro gal inuu soo idlaaday xilli ciyaareedkiisa, laakiin maxaan iminka u leeyahay midaa?

“Ma ahan mid cad 100% waa inaan sugnaa wax yar, laakiin waxaan xaqiijin karaa inaan la heli doonin kulanka berito.”.

Waxaa la xusuustaa sida ay Liverpool u dhibtootay intii uu Mane kaga maqnaa ciyaarihii koobka qaramada Afrika.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close