RIKOODH CUSUB: Gianluigi Buffon oo Zanetti soo qabtay Maldini-na ku daba jira

(Napoli) 03 Maarso 2017 – Habeenkii xalaytoole ahayd waxaa gegada San Paolo ku faltamay kooxaha waawayn ee SSC Napoli vs Juventus kuwaasoo 90-kii daqiiqadood 1-1 ku kala baxay.

Yeelkeede, qabtaha qawaarka ah ee kooxda Old Lady ee Gianluigi Buffon ayaa xalay foodda ka jaray kulankiisii 615-aad ee Serie A, isagoo sidaa kusoo qabtay kabtankii hore ee Inter Milan ee Javier Zanetti oo haystey ninka 2-aad ee abid ugu safashada badan Serie A.

Haddana wuxuu cayrsanayaa oo uu weliba soo qaban doonaa sida loo badinayo ninka ugu safashada badan horyaalka Talyaaniga oo ah Paolo Maldini kaasoo saftay 647 kulan.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close