Ogoow 6-koox oo Luke Shaw uu u dhaqaaqi karo suuqa xaggaagan

(Manchester) 03 Abriil 2017 21 jirkaan oo ka mid ah da’yartii ugu qaalisanaa dhanka suuqa kala iibsiga ayaa u muuqda haatan mid ka rajo dhigay kooxdiisa Manchester United.

Tababare Jose Mourinho ayaa laacib kaan ka saaray shaxdiisa kulankii ay barbaraha lagaleen sabtigii West Brom, wuxuuna kadib sheegay in Shaw uusan la tartamin karin ciyaartoyda kale ee kooxda.

Mirror ayaase daaha ka qaaday 6-koox oo uu u dhaqaaqi karo Luke Shaw marka uu dhamaado xiliciyaareed kan, markaas oo uu ka dhaqaaqi doono Manchester United.

Image result for Luke Shaw

Luke Shaw ayaana lala xiriiriyay kooxaha Chelsea, Liverpool, Tottenham, Southampton, Bournemouth iyo waliba kooxaha horyaalka shiinaha.

Manchester United ayaan wali shaacin qiimaha ay ku iibinayso Luke Shaw, laakiin kooxda ayaa ku soo iibsatay markii hore 27 milyan oo Ginni.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close