Nacho Fernandez oo u jawaabay Gerard Pique

(Madrid) 03 Abriil 2017 Daafaca kooxda Real Madrid ee Nacho Fernandez ayaa u wajaabay Gerard Pique oo horay u eedeeyay kooxda ka dhisan caasimada Spain.

Pique ayaa ku eedeeyay Real Madrid inay soo maleegaan dhibaatooyinka canshuuraadka ee haatan loo haysto Neymar iyo Lionel Messi.

Balse Nacho Fernandez oo ka jawaabay hadalada Pique ayaa sheegay inay la qabsadeen hadaladaas, wuxuuna sheegay in dadka qaar ay ku raacsanyihiin halka kuwo kalena aysan la qabin fikirkaas.

Image result for Nacho Fernandez

“Waan u baranay hadaladaas, waxaan xooga saaraynaa kaliya nafteena, Pique wuxuu leeyahay fikirkiisa u gaarka ah dadka qaar way laqabaan qaar kalena kuma raacsana” ayuu yiri Nacho.

“Laakiin aad ayaan ugu faanayaa wixii ay i bartay Real Madrid tan iyo markii aan ku soo biiray kooxda” ayuu sii raaciyay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close