Laacib noloshiisa laga ganaaxay kubbada cagta kaddib markii uu JILIB laqsiyay garsooraha…+MUUQAAL

dddd

(Portugal) 03 Abriil 2017. Xiddiga reer Portugal ee lagu magacaabo Marco Gonçalves ayaa dhacdo yaab leh dhigay kaddib markii uu jilib laqsiyay garsoore isla markaana sanka ka jabiyay isagoona inkiray inuu falkaa sameeyay.

Dhacdadan ayaa ka dhacday kulan u dhexeeyay kooxda uu u safto Gonçalves ee Canelas 2010 iyo koox ka koobneyd FC Porto ultras iyo Rio Tinto kulan ka tirsanaa horyaal goboleedka dalkaasi.

Dhibka ayaa bilowday markii uu Goncalves ee isku dheceen daafac isla markaana uu dhulka ku tuuray.

Marco Gonçalves ayaa sii carooday markii uu garsooraha kaarka cas u taagay isagoona tunka ka soo qabtay isla markaana Sanka jilib uga jabiyay. Taa oo dhalisay in ebid laga ganaaxo ciyaaraha.

Footballer KNEES referee in the FACE, breaks his nose and sparks mass brawl with police

Weeraryahanka reer Portugal ayaa sheeganaya in daafaca ay is qabteen uu hooyadii caayay inta aan kaarka cas la siin.

Waxaase yaab leh inuu Gonçalves bixiyay wareysigan kaddib dhibkii uu geystay:

“Ma xusuusto inaan wax ku dhuftay isaga, halkaa iyo halkaa ayuu ii riixayay.

“Saxaafadiina waxaad sheegeysaan inuu jilib ahaa waxaan ku dhuftay, laga yaabee inuu ahaa.

“Haddii uu sidaa yahay arrinku waxaan dhab ahaan doonayaa inaan raali galiyo garsooraha reerkiisa iyo Rio Tinto.

DAAWO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close