SERIE A: NAP VS JUV 1-1…Napoli & Juve oo is mari waayay + Sawirro

(Napoli) 02 Abriil 2017 – Kooxaha SSC Napoli vs Juventus FC ayaa kulan aad u kulul oo ay daawanayeen jamaahiir ka badan 60 kun ku yeeshay gegada caanka ah ee San Paolo ee magaalada Napoli.

Kulankan ayaa muhim u ahaa taxa sare ee horyaalka Talyaaniga, iyadoo ay Juve doonaysay inay hoggaanka kusii siqdo, halka Napoli oo gadaasheeda Lazio uga jeeddaa ay doonaysay inay kaalinta 3-aad adkaysato.

Kooxda Juventus oo goolka ku horreeysey waxaa lasoo deg degey Sami Khedira oo ansixiyay inta aysan dhamaanin daqiiadii 7-aad, waxaana lagu kala nastay 1-0.

Qaybtii 2-aad ayay Napoli oo halkeedii kasii waddey dagaalkii ay ugu jirtey raadinta barbarraha  oo ay gelinkii hore xitaa dhowr mar sigtey waxay ugu dambayn ku guulaysatey daqiiqaddii 60-ad kaasoo uu u dhaliyay kabtankooda Marik Hamsik oo kubad qurux badnayd daba mariyay Buffon, taasoo ciyaarta ka dhigtay 1-1 oo ah natiijadii ay ku dhamaatay.

b b1

b

b

b b1 b2 b3 b4 b5 b7 b8 b9 b12 b14

Gool FM

 

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close