SERIE A: AC Milan oo Taako loo dhigay iyo natiijooyinka kulamadii kale ee la ciyaaray

C8amsblXkAAxuQz

(Italy) 02 Abriil 2017. AC Milan ayaa bar-baro 1-1 kala kulantay kooxda Pescara oo ay marti u ahayd kulan ka tirsanaa horyaalka Talyaaniga.

Goolasha kulankan ayaa la iska wada dhaliyay qeybtii hore ee dheesha.

Milan ayaa goolka lagu bilaabay wuxuuna ahaa gool uu si kuuma kasin ah kooxdiisa uga dhaliyay Gabriel Paletta waxaana marka hore khaladka soo sameeyay goolhayaha da’da yar ee Gianluigi Donnarumma.

Intaan la marin qeybtii hore ee ciyaarta daqiiqadii 41-aad waxaa goolka Milan u bar-bareeyay Mario Pasalic kubbad uu soo caawiyay Carlos Bacca.

Natiijada Kulamadii kale ee la ciyaaray ayaa ku soo idlaaday sidan:

Torino 2 – 2 Udinese.

ChievoVerona 1 – 2 Crotone.

Fiorentina 1 – 0 Bologna.

Genoa 0 – 5 Atalanta.

Palermo 1 – 3 Cagliari.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close