MA HOYGA BAR-BARAHAA: Taagerayaasha Manchester United oo qarsan waayay murugadooda iyagoo mar kale dhibco ku lumiyay gurigooda

 

bbbb

(Manchester) 02 Abriil 2017. Laga yabee iney fiicanaan laheyd in magaca Old Trafford loo badalo tiyaatarka bar-bardhaca?

Kooxda Manchester United ayaa garoonkeeda ku gashay sideed jeer bar-bar dhac oo ka mid ah 15 kulan oo ay ku ciyaartay xagaagan , xili ay shalay galab dhaafi waayeen kooxda Macalin Tony Pulis ee West Brom .

Naadiga Baggies ayaa sameysay wax qabad fiican, taa oo dhalisay in tababare Jose Mourinho uu dhaleeceyn u soo jeediyo weerarkiisa.

Natiijadaas ayaa la micno ah in kooxda United ay lumiyeen dhibco badan oo ay ku gaari kareen booska usoo bixidda koobka Champions League, garoonkooda ayaana ku noqday caqabadooda ugu wayn.

Waxeyna iminka adkaadeen lix kulan oo guridooda ah kulamada horyaalka xili ciyaaredkan, sidoo kale waxay guul daro ka soo gaartay naadiga Manchester City iyo bar-bar dhac badan oo gaaraya 8 kulan oo ah kulamada ay ku ciyaartay garoonkeeda.

Hadda waxa ay United fadhisaa kaalinta shanaad ee horyaalka ,waxeyna afar dhibcood ka dambeyaan kooxda booska afaard ee Manchester City, taagerayasha kooxda ayaana qaati ka taagan natiijooyinka liita ee naadigooda.

Manchester united kulamada ay bar-bar dhaca ku gashay garoonkeeda ayaa kala ah Stoke City, Burnley, Arsenal, West Ham, Liverpool, Hull City, Bournemouth Iyo West Brom waxeyna lumiyeen dhibco dhan 16 dhibcooda halka suuragalnimada dhicbacaha kulamadaas laga rabay ay yihiin 24 dhicood balse united ayaa kaliya heshay 8 dhicdood oo qura .

Cabdiraxmaan Shariif.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close