LALIGA: Real Madrid oo guul ka gaartay Alaves siina dheereysatay hogaanka horyaalka + SAWIRRO

(Madrid) 02 Abriil 2017 Kooxda Real Madrid ayaa sii dheereysatay hogaanka horyaalka Spain kadib markii ay guul ka gaartay kooxda Alaves oo marti u ahayd.

Labada kooxood ayaa ku soo galay ciyaar weerar iyo weerar celis ah inkasta oo Real Madrid uu ka maqnaa kabtan Sergio Ramos.

31 daqiiqo Karim Benzema ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa Real Madrid kadib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Dani Carvajal, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 1-0.

Real ayaa isku dayday inay sii dheereysato hogaanka ciyaarta laakiin uma suurogalin, Alaves ayaana qatar badan ku abuurtay dhankeeda, qaybtii hore ayaana lagu kala nastay 1-0.

Qaybtii dambe Real Madrid ayaa halkeeda ka sii waday weerarka, Ronaldo ayaana ka qasaariyay fursado badan oo uu gool ku dhalin karay.

85 daqiiqo Isco ayaa hogaanka u sii dheereeyay kooxdiisa kadib baas qurxoon oo uu ka helay Ronaldo, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 2-0.

88 daqiiqo Nacho Fernandez ayaa hurdo u diray ciyaarta kadib markii uu madax ku dhamaystiray kubadd laad xor ahaa oo Bale uu ku garaacay birta, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 3-0.

Ciyaarta ayaana ku soo idlaatay 3-0 oo ay guushu ku raacday Real Madrid oo haatan leh 68 dhibic, iyaga oo 5-dhibic ka sareeya Barcelona oo caawa la ciyaari doonta Granada.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close