HORDHAC: Arsenal Vs. Manchester City

(London) 02 Abriil 2017. Arsenal waxa ay soo dhaweyn doontaa Manchester City kulanka ugu adag Premier League-ga toddobaadkan.
Xilli uu sii kululaanayo loolana loogu jiro afarta sare,midkoodna guuldarro uma cuntanto.
Arsenal
-David Ospina ayaa la qabaa in uu goolka ku soo bilaaban doono maadama uu wali dhaawac ku maqan yahay
– Santi Cazorla, Mathieu Debuchy and Lucas Perez dhaawacyo ayey iyaguna ku maqan yihiin
Man City
– Ilkay Gundogan and Gabriel Jesus oo kaliya ayaa dhaawac uga maqan Pep Guardiola
– Kevin De Bruyne waxa uu ka soo laabtay kulamadii qaramada isaga oo qaba dhaawac gumaarka ah, balse tijaabo ayuu mari doonaa si loo eego in uu dheeli karo kulanan
-Fernandinho waxa uu mar kale ku soo bilaaban karaa dambeedka middig
Raheem Sterling 100% waa taam
– Bacary Sagna dhaawac gumaarka ah ayaa soo gaaray inta aan la dheelin kulamadii qaramada, shaki ayaa kujira
– Pablo Zabaleta isna laa hubo xaaladiisa taam ahaansho
RAADRAAC
-Arsenal wey badisay 6 ka mida 7dii kulan ee ugu dambeeyey Premier League-ga
-Man City shabaqeeda lama soo taaban 3dii kulan ee ugu dambeeyey ee ay Premier League-ga dibada ku soo dheeshay
-Man City wey soo badisay saddexdii kulan ee ugu dambeeyey ee ay banaanka ku soo ciyaartay
-Arsenal guuldarro kalama kulmin Man City shanti kulan ee ugu dambeeyey oo ay Emirates ku qaabishay
SAFAFKA LA FILI KARO
Gegida: Emirates
Saacadda Geeska Africa: 6Pm
Dhex dhexaadiyaha: Andre Marriner
Gool FM.