Guardiola oo ku raacay Arsene Wenger inay KOOB la mid tahay u soo bixda 4-ta sare ee Premier League

pep

(Manchester) 02 Abriil 2017. Macallinka Man City ayaa u muuqda mid ku qanci doona afarta sare ee Premier League halkii uu koob hunguriyeen lahaa kaddib markii uu Arsene Wenger ku raacay fikirka ah inay la mid tahay adigoo koob ku guuleystay haddii aad u soo baxdo 4-ta sare ee Premier League.

Man City ayaa caawa fiidkii Emirates ku wajihi doonta wiilasha Arsene Wenger kulan ka tirsan Premier League xilli uu cadaadis badan saaran yahay macallinka reer France.

“Inaad u soo baxdo Champions League shaki la’aan waa sida adigoo koob ku guuleystay,”, Guardiola ayaa yiri ka hor kulanka caawa.

“Ma oranayo inaan afarta sare ka doorbidayo FA Cup, laakiin waa sida adigoo koobab ku guuleystay. Maxaa yeelay waxaa halkan jooga kooxo badan oo xoogan.”.

City iyo Arsenal ayaa sidoo kale ku kulmi doona semi final ka FA Cup saddex usbuuc kaddib kulankooda horyaalka.

Arsenal ayaa ciyaari doonta kulankan iyadoo ku jirta kaalinta 6-aad ee horyaalka isla markaana 7-dhibcood sare u eegeysa Man City oo afaraad ku jirta inkastuu kulan baaqi u yahay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close