Goolhayaha kooxda Banaadir oo qaliin lagu sameeyay…+SAWIRRO

h1

(Muqdisho) 02 Abriil 2017. Waxaa qaliin daanka ah lagu sameeyay goolhayaha Naadiga Banadir Sports Club ee Thomos kaddib dhaawac ka soo gaaray.

Thomos oo lagu wado inuu ka maqnaado garoomada inta ka harsan kal ciyaareedkan ayuu dhaawacu ka soo gaaray kulankii ay kooxdiisu la yeelatay naadiga Muqdisho United.

Goolhayaha reer Kenya ayaa ka mid ah xiddigaha ajaanibta ee ugu safashada badan horyaalka heerka koowaad ee dalkeena maadaama uu u safanayo Banaadir muddo ku dhow afar sanadood.

Banaadir oo ku soo guuleysatay horyaalka Soomaaliya kal ciyaareedkii la soo dhaafay iyadoo aan wax guul darro ah la kulmin ayaa sanadkan tartan adag kala kulmeysa kooxaha Elman iyo Dekadda.

Dekadda iyo Elman ayaa iminka hogaanka horyaalka ku wada haya 25-dhibcood halka ay Banaadir leedahay 23-dhibcood.

SAWIRRO:

h h1 h2

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close