EPL: Arsenal iyo Manchester City oo barbaro ku kala baxay + SAWIRRO

(London) 02 Abriil 2017 Kooxaha Arsenal iyo Manchester City ayaa ku kala baxay barbaro kulankii caawa ka dhacay garoonka Emirates, waxayna isla dhaafi waayeen 2-2.

5-daqiio ciyaarta oo socota ayuu Leroy Sane hogaanka u dhiibay kooxdiisa kadib markii uu dhulka uga tagay goolhaye Ospina, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 1-0.

Arsenal ayaa kadib hurdada ka kacday iyaga oo iska qasaariyay fursado badan, 40 daqiiqo Walcott ayaa u soo barbareeyay kooxda macalin Wenger kadib markii uu ka faa’idaystay qalad ay sameeyeen daafacyada City isaga oo ka dhigay 1-1.

2-daqiiqo kadib Man City ayaa soo qaaday weerar, Aguero ayaana dib hogaanka ugu soo celiyay kooxdiisa City, isaga oo ka dhigay 2-1.

Qaybtii hore ayaana lagu kala nastay Manchester City oo 2-1 hogaanka ku haysa.

Qaybtii dambe Arsenal ayaa ku soo gashay weerar si ay dib ugu soo laabato ciyaarta, 53 daqiiqo Mustafi ayaa madax ugu soo barbareeyay Arsenal kadib markii uu madaxeeyay kubadd uu Ozil ka soo laaday koornada, wuxuuna ka dhigay 2-2.

Labada kooxood ayaa kadib isku qaaday dhawr weerar laakiin ma jirin koox weerarkeeda u badashay gool, ciyaarta ayaana ku soo idlaatay 2-2.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close