Al-Khelaifi oo ka hadlay mustaqbalka Cavani ee PSG

(Paris) 02 Abriil 2017 Milkiilaha kooxda PSG ee Nasser Al-Khelaifi ayaa ka hadlay mustaqbalka weerar yahanka kooxdiisa ee Edinson Cavani.

Mustaqbalka Cavani ee PSG ayaa shaki lagaliyay kadib markii laacibku uu cadeeyay inuu katagi karo kooxdiisa dhamaadka xiliciyaareed kan.

Laakiin Nasser Al-Khelaifi ayaa sheegay inuu hubo in Cavani uu qandaraas cusub qalinka ugu duugi doono kooxdiisa taas oo ka dhigan inuu sii joogi doono.

Image result for Cavani and al-khelaifi

Milkiilaha PSG oo la hadlay saxaafada ayaa yiri:

“Cavani waa weerar yahan wayn, anaguna waan ku faanaa, nasiib ayaanan ku leenahay inaan haysano isaga, kulan walba oo uu ciyaarayo waan daawadaa”.

“Waan hubaa inuu saxiixayo heshiis cusub, wax walbana way hagaagi doonaan”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close