“Xulka Brazil waxa uu doonayaa inuu u ciyaaro sida Liverpool oo kale.”. Jurgen Klopp

braa

(England) 01 Abriil 2017. Xulka 5-ta jeer ku guuleystay koobka adduunka ayaa doonaya inuu u ciyaaro sida kooxda Liverpool sida uu sheeganayo tababare Jurgen Klopp.

Brazil oo noqday xulkii ugu horeeyay ee u soo baxa koobka adduunka ee 2018 ayaa diraaseynaya una guur galaya qaab ciyaareedka Liverpool iyo tak tikada tababarahooda si ay sidoo kale ugu ciyaaraan.

Klopp ayaa sheegay inay bilooyinkii dambe wada hadleen tababare Tite arrinka ku aadan Tak tikadiisa.

Jurgen Klopp says he has been speaking with the Brazil coaching team about tactics

“Sida cad Tite wuxuu jecel yahay sida aan u ciyaarno, xiriiro badan ayaan yeelanay , ma hubo 100% laakiin waxaan u maleynayaa inuu doonayo inuu sameeyo wax la mid ah sidaan sameyno,” Klopp ayaa sidaa yiri.

“Wuxuu ka helaa sida aan u ciyaarno mana hubo 100% laakiin waxaan u maleynayaa inuu doonayo inuu sameeyo sideena oo kale.

“Waxaan yeelanay wada sheekeysi yar, ma wada hadlin isaga shaqsi ahaan maxaa yeelay waxaa jira dhibaatooyin dhanka luqada ah, laakiin waxaa jira xarfaan ka mid ah shaqaalihiisa kaa oo ku hadla Ingiriiska wuxuuna ka helaa sida aan u ciyaarno.”.

Brazil coach Tite is keen to implement the Liverpool approach on his team

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close