Taageerayaasha Chelsea oo ku kacay Diego Costa kaddib guul daradii Crystal Palace

costa

(London) 01 Abriil 2017. Chelsea ayaa si wayn u xukumeysay kulankii ay la yeelatay Crystal Palace ee ka dhacay Stamford Bridge balse weerarkeedii badnaa waxba ma tarin oo waxaa lagu maray 2-1.

Taageerayaasha Chelsea ayaa caro kala dul dhacay dhaliyahooda Diego Costa kaa oo fursado badan ku qubeystay kulankii laga adkaaday kooxdiisa isla markaana rajo horyaalka ah galiyay Tottenham oo galabta soo badisay.

Qaar ka mid ah taageerayaasha Blues oo ku soo hadlay baraha bulshada ayaa u soo jeediyay tababare Conte inuu safka ka cuno Costa isla markaana uu fursad siiyo Michy Batshuayi.

Diego Costa didn't have his shooting boots on as Chelsea slipped to defeat

Kuwa qaar ayaa soo qoray in xiddiga reer Spain laga la’yahay goolal iyo bandhig fiican tan iyo sidii ay u soo yeertay akhbaartii ku aadanayd dalabkii qaaliga ahaa ee kaga yimid horyaalka Shiinaha.

Taageere kale oo ku soo hadlay Twitter ayaa soo jeediyay in isla hadda diyaarad loo saaro Shiinaha.

Ku kalaa soo qoray in kulankii maanta uu ahaa bandhigiisii ugu xumaa xilli ciyaareedkan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close