Muxuu ka yiri Mourinho barbarihii West Brom?

(Manchester) 01 Abriil 2017 Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa ka hadlay barbarihii kooxdiisu ay lagashay kooxda West Brom oo marti u ahayd.

Mourinho ayaa sheegay in kooxdiisu ay gacanta ku haysay intabadan ciyaarta balse West Brom ay sifiican difaac u gashay, ciyaarta ayaana ku soo idlaatay 0-0.

Wuxuu sheegay in goolhaye De Gea uu iska hurdaayay intii ay socotay ciyaarta, isaga oo kaliya badbaadiyay hal kubadd halka goolhayaha West Brom uu badbaadiyay 3-kubaddood.

Mourinho oo u jawaabayay wariyihii waraysanayay ciyaarta kadib ayaa yiri:

“Dhab ahaan, ma waxaad rumaysantahay in labada kooxoodba ay sinaayeen maanta? kooxi ma soo dhaafin kala barka garoonkeeda ilaa hal mar mooyee”.

“Xitaa goolhaye De Gea waa hurdayay, kubadda ayaa si layaab leh uga fakatay waan ku qoslay dhacdadaas, goolhayeheenu wuxuu sameeyay badbaadin qosol badan halka goolhayaha West Brom uu sameeyay 3-badbaadin oo cajiib ah”.

“Hal koox oo kaliya ayaa heysatay kubadda, kooxda kalena difaac ayeey ku jirtay, hal koox ayaa isku dayday inay guulaysato halka kooxda kalena ay u ciyaartay barbaro oo kaliya”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close