Maalinta loo qabtay iibka AC Milan oo sabab khuraafi ah darteed loosoo hormarinayo! (Gooma?)

(Milano) 01 Abriil 2017 – Warar ku xiriirsan iibka AC Milan ayaa sheegaya in horay loosoo dhigi karo maalintii loo ballamay oo ahayd Jimce 14-ka Abriil, taasoo lkn haatan laga dhigayo Khamiis 13-ka Abriil.

Kaddib dib u dhacyo musalsal ah, Li Yonghong ayaa u muuqda mid ugu dambayntii kaligii la wareegaya Rossoneri, kaddib markii uu gacan ka helay shirkad kuwa maalgelinta ah oo Maraykan ah.

Waxaa horay loogu dhawaaqay in uu kulanka saamileeydu qabsoomi doono 14-ka Abriil, kaasoo ah kulan ay Milan uga baxayso milkiyadda Fininvest oo gacanta ku haysa 99.93 boqolkiiba saamiyada Milan.

Sida ay faafinayo ANSA, kulankaasi ayaa lasoo hormarin karaan oo laga dhigi karo 13-ka, si looga fursado dib u dhacyo kale, maaddaama ay 14-ka Abriil ku beegan tahay Good Friday iyo sidoo kale 14 oo ah lambar ay Eeshiyaanku u arkaan mid aan falxad ahayn oo bilaa nasiib ah, sida ay la tahay.

ROME, ITALY - MAY 21: Team of AC Milan prior the TIM Cup match between AC Milan and Juventus FC at Stadio Olimpico on May 21, 2016 in Rome, Italy.  (Photo by Giuseppe Bellini/Getty Images)
ROME, ITALY – MAY 21: Team of AC Milan prior the TIM Cup match between AC Milan and Juventus FC at Stadio Olimpico on May 21, 2016 in Rome, Italy. (Photo by Giuseppe Bellini/Getty Images)

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close