Conte oo aaminsan in kooxdiisu ay u qalantay ugu yaraan inay hal dhibic ka hesho Crystal Palace

(London) 01 Abriil 2017 Tababaraha kooxda Chelsea ee Antonio Conte ayaa ka hadlay guul daradii caawa ka soo gaartay kooxda Crystal Palace oo marti u ahayd.

Crystal Palace ayaa 2-1 uga adkaatay kooxda macalin Conte oo markii 4-aad ay guul daro soo gaartay xiliciyaareed kan horyaalka ingiriiska.

Conte ayaa sheegay in ugu yaraan kooxdiisu ay u qalantay barbaro maadama ay abuureen fursado badan oo u qalmay gool.

“Waxaan rumaysanahay in ugu yaraan hal dhibic aan u qalanay maanta, ma ahan guul laakiin barbaro” ayuu yiri Antonio Conte.

“Waxaan abuurnay fursado badan oo goolal loo badali karay, ciyaartana waan maamulaynay, haatan waxaa muhiim ah inaan qaadano xoogaa nasiino ah, kadibna waa inaan isku diyaarinaa kulanka xiga (Man City)”.

“Dhabtii waxaan dareemaynaa niyad jab ku aadan natiijadii maanta, laakiin tani waa kubadda cagta waana inaan aqbalnaa natiijada”.

Conte ayaa la waydiiyay in kooxdiisa aan loo dhigin gool ku laad ay xaq u lahayd? wuxuuna ku jawaabay:

“Anigu ma arkin dhacdadaas, sidaas darteed suurogal iima ahan inaan ka hadlo”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close