AS ROMA VS EMPOLI: Shaxda & safafka ay caawa kusoo geli karaan!

(Roma) 01 Abriil 2017 – Waxaa caawa fiidkii ballansan kooxaha AS Roma vs Empoli, jeer ay kooxda Roman-ku doonayso inay xawaareheeda sii karraariso maaddaama aysan weli soo xaqiijinin boos rasmi ah oo ay wax kasti isbedeli karaan.

Dhanka Rom: Khadka ayay dhibaato ka haysataa macallin Spalletti iyadoo uu god wayni ka qodan yahay maaddaama ay ka maqan yihiin Strootman iyo De Rossi. Wuxuu sidaa daraadeed doonayaa inuu Paredes ka dhinac dheelsiiyo Nainggolan maaddaama uu Grenier jilibka ka xanuunsanayo. Weerarka Salah ayaa wehlinaya El Shaarawy iyo Perotti.

Dhanka Empoli: Martusciello waxaa usoo kacay Mchedlidze kaasoo lkn kaydka kululayn doona. Bellusci ayaa isna soo kabtay, wuuse ciyaari doonaa isagoo buuxinaya garabka Cosic.

B

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close