Tababaraha ku guuleystay abaal-marinta macallinka bisha Maarso ee Premier League oo la shaaciyey

C8PrzRkVwAA4r2u

(Bournemouth) 31 Maarso 2017 – Tababaraha kooxda kubadda cagta Bournemouth ee Eddie Howie ayaa ku guuleystay abaal-marinta macallinkii bisha Maarso ugu fiicnaa horyaalka Premier League.

Macallin Eddie Howie ayaa saddexdii kulan ee uu bishan maanta gabagabada ah ee Maarso ku hoggaamiyey kooxdiisa Bournemouth horyaalka Premier League aan laga badin.

Howie ayaa bishaan Maarso Bournemouth kulankii koowaad ee ay ciyaareen waxa ay barbaro 1-1 la galeen Manchester United, waxaana kulankii xigay ay 3-2 uga badiyeen West Ham, halka ay 2-0 ku garaaceen Swansea City bartamihii bishaan.

Tababare Eddie Howie ayaana abaal-marinta macallinkii ugu fiicnaa Premier League bishaan maanta ku eg ee Maarso ku garaacay tababareyaasha kala ah Craig Shakespeare, Sam Allardyce, Antonio Conte, Mauricio Pochettino iyo Jurgen Klopp.

Kooxda Bournemouth ayaa hadda fadhisa kaalinta 11-aad ee kala sarreynta horyaalka Premier League iyadoo leh 33-dhibcood.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close