MSN oo dib ugu soo laabtay tababarka Barcelona + SAWIRRO

(Barcelona) 31 Maarso 2017 Weerarka halista ah ee kooxda Barcelona ee MSN ayaa dib ugu soo laabtay tababarka kooxdooda kadib markii ay ka soo laabteen wajibaadkii xulalkooda.

Messi ayaa ganaax 4-kulan ah kala kulmay xiriirka kubadda cagta aduunka ee FIFA kadib markii uu aflagaadeeyay calanwade kulankii xulkiisu uu 1-0 uga adkaaday Chile, wuxuuna ku qasbanaaday inuu Barcelona ku soo laabto arbacadii.

Laakiin laacib kaan kama qayb qaadan tababarkii Barcelona ee shalay oo khamiis ahayd, wuxuuna ka soo muuqday tababarkii saaka ee kooxda, sidoo kale Luis Suarez iyo Neymar ayaa ka soo muuqday tababarkii saaka ee Barcelona.

Barcelona ayaa isku diyaarinaysa kulanka axada ay u safri doonto kooxda Granada, xili ay horyaalka kula loolamayaan kooxda Real Madrid.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close