Kooxdee ugu dhaw hanashada LaLiga xiliciyaareed kan? – Fabio Capello ayaa ka jawaabaya

(Madrid) 31 Maarso 2017 Tababaraha reer talyaani ee Fabio Capello ayaa ka hadlay tartanka horyaalka Spain ee LaLiga oo ka xiiso badan sanadihii hore.

Fabio Capello ayaa sheegay in kooxdiisii hore ee Real Madrid ay tahay haatan kooxda ugu dhaw ku guulaysiga horyaalka Spain ee xiliciyaareed kan.

Real Madrid ayaa 2-dhibic ku haysa hogaanka horyaalka, waxaana baaqi u ah kulan ay laciyaari doonto kooxda Celta Vigo.

Fabio Capello

“Real Madrid ayaa ah kooxda ugu dhaw hanashada horyaalka, way xooganyihiin, ciyaartoy tayo fiican ayaana u fadhiya keydka” ayuu yiri Fabio Capello.

“Dhibaatada haysata Enrique waa qadka dhexe, wuxuu heystaa weerar fiican, laakiin wuxuu ku fashilmay inuu buuxiyo booskii uu baneeyay Xavi iyo sidoo kale marka uu maqanyahay Iniesta”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close