“Chelsea ayaa ka wayn Arsenal” – William Gallas oo u jawaabay Arsene Wenger

(London) 31 Maarso 2017 Daaficii hore ee kooxaha Arsenal, Chelsea iyo Tottenham ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeeray tababaraha kooxda Arsenal ee Arsene Wenger.

Tababaraha reer France oo ka jawaabayay wararka Sanchez la xiriirinaya kooxda Chelsea ayaa sheegay in London ay ka dhisantahay kaliya hal koox taasna ay tahay Arsenal.

Balse kabtankii hore ee Arsenal William Gallas ayaa sheegay in Chelsea ay ka wayntahay Arsenal iyo Tottenham maadama ay ku guulaysato koobab.

Image result for Wenger and gallas

“Kooxda ugu wayn (Caasimada) waa Chelsea, waxay hogaanka u heysaa horyaalka, waxaana lagayaabaa inay ku guulaystaan” ayuu u sheegay Talk Sport.

“Waxay 4-jeer ku guulaysteen horyaalka, xitaa haddii aad la barbar dhigto Tottenham iyo Arsenal waxaan rumaysanahay in Chelsea ay tahay kooxda ugu fiican London waayo sidoo kale waxay ku guulaysteen Champions League”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close