Brazil oo markii ugu horreysay 6-sano kaddib hogaanka u qabatay qiimeynta xulalka adduunka ee FIFA…(EEG 20-ka sare)

bra

(World) 31 Mar 2017. Xulka Brazilayaa dib ugu laaban doona halka sare ee qiimeynta FIFA markii ugu horreysay muddo 6-sano ah kaddib markii ay noqdeen xulkii ugu horreeyay ee koobka adduunka u soo baxa 2018.

Qiimeyntan oo la daabici doono 6-da bisha Abriil ayay wiilasha lagu naaneyso Samba dib ugu soo laaban doonaan hogaanka kaddib markii uu tababare Tite ku hogaamiyay sagaal guul oo xiriir ah tan iyo sidii uu xilka ugu qabtay bishii June.

Mudadaas wuxuu xulka Brazil dhaliyay 25-gool waxaana laga dhaliyay 2-gool oo qura, kaddib markii ay garaaceenna xulka Paraguay waxay u soo gudbeen koobka adduunka iyagoo ka hor maray xul kasta oo kale.

Brazil ayaa hogaanka qiimeynta FIFA kala wareegtay Argentina oo 12-kii bilood ee ugu dambeysay ku raaxeysanaysay halka sare.

Xulka guul darada ugu wayn ay soo gaartay waa xulka Holland kaa oo hoos u dhacay 11-boos isagoona tagay kaalinta 32-aad waana halkii ugu hooseysay uu ebid ka galo qiimeynta FIFA.

EEG LIISKA 20-ka sare:

FIFA RANKING TOP 20:

1. Brazil
2. Argentina
3. Germany
4. Chile
5. Colombia
6. France
7. Belgium
8. Portugal
9. Switzerland
10. Spain
11. Poland
12. Italy
13. Wales
14. England
15. Uruguay
16. Mexico
17. Peru
18. Croatia
19. Egypt
20. Costa Rica

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close