Reerka Mesut Ozil oo doonaya in wiilkooda uu ka dheelo horyaalka Bundesliga…(Laacibka oo isna rajo wayn muujiyay)

ozil

(Germany) 30 Mar 2017. Mesut Ozil ayaa sheegay inuu ka fikirayo inuu dib ugu laabto Jarmalka maadaama ay reerkiisu doonayaan inuu markasta ka ag dhawaado guriga.

Mustaqbalka Ozil ee kooxda Arsenal ayaa meel qar ah ka lulanaya iyadoo uu qandaraaskiisu dhacayo dhammaadka kal ciyaareedka soo socda.

Kubbad qaabeeyaha reer Germany ayaa la sheegayaa inuu sugayo inuu arko haddii uu Arsene Wenger sii joogayo Emirates iyo in kale ka hor inta uusan mustaqbalkiisa go’aansan.

Mesut Ozil is absent from Arsenal's squad for the West Brom clash

Reerka 28-jirka ayaa isku dayaya inay wiilkooda ku qanciyaan inuu ka ciyaaro dalkiisa si uu ugu soo dhawaado.

Ozil oo arrinkaa ka hadlaya ayaa yiri: “Ma doonayo inaan midaa meesha ka saaro.

“Xubno badan oo reerka ka tirsan, gaar ahaan hooyadeey, way soo dhaweyn doontaa haddii aan guriga u dhawahay.

“Weli sanad ayaa iiga harsan qandaraaskeyga waana jeclahay kooxda waqti xaadirkan, wax kasta weli waa ay furan yihiin.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close