“Inaad wacdo Barack Obama ayaa ka fudud wicitaanka Messi” – Maradona oo ka cabtay Wicitaanka Messi

(Buenos Aires) 30 Maarso 2017 Halyeeyga reer Argentina ee Diego Maradona ayaa cabasho ka muujiyay xiriirka dhanka taleefanka ee Lionel Messi.

Wuxuu sheegay inuu aad uga xunyahay ganaaxii la dul dhigay Messi ee ahaa 4-ta kulan, wuxuuna intaa ku daray inuu la hadli doono madaxwaynaha FIFA si looga qafiifiyo ganaaxa.

Maradona oo cabasho ka muujiyay xiriirka Messi ayaa sii raaciyay in kabtanka xulka Argentina uu ku dhagaysto talefanka marka uu waco.

Image result for Maradona and Messi

“Waxaa jira warar been abuur ah oo ku aadan Messi oo layga qoray, marnaba ma weerarin isaga, mana taageerin go’aankii lagu ganaaxay, wuxuu ahaa go’aa dulmi ah” ayuu yiri Maradona.

“Arinkaas waxaan kala hadli doonaa madaxwaynaha FIFA si looga yareeyo ganaaxa”.

Maradona oo ka jawaabayay inuu la xiriiray Messi kadib ganaaxii lagu riday ayaa yiri:

“Wicitaanka Barack Obama ama madaxwaynaha Argentina ayaa ka fudud wicitaanka Messi, mudo dheer lama hadlin isaga, dhawr jeer ayaan isku dayay xiriirkiisa laakiin ma qabanayo taleefankeyga”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close