Zlatan Ibrahimovic; “Weligeey kama tegin shaqo aanan dhameystirin”

C8FVnNTV4AAAeKv(Manchester), 29 Maarso 2017  –Weeraryahanka kooxda Manchester United ee waddanka Ingiriiska Zlatan Ibrahimovic ayaa sheegay in uu sii joogi doono Old Trafford isagoo xusay in weligiis uusan ka tegin shaqo uusan dhameystirin.

Heshiiska Ibra waa uu dhacayaa xagaagani, laakiin Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa ku adkeysanaya in uu kalsooni ku qabo in weeraryahankani kordhin doono heshiiskiisa naadiga.

Dhaliyihii hore ee xulka Sweden ayaa si weyn loola xiriirinayay inuu u wareegi doono kooxda LA Galaxy ee Mareykanka, balse xidiggan oo xilli ciyaareedkan ayaa isagoo jawaabaya waxa uu Manchester Evening News u sheegay “Waan raaxeysanayaa, aniga si rasmi ah ayaan uga soo baxaa howshii aan galo, haddaan baxaayo waa anoo wax dilay”.

“Weligeey shaqo aanan dhameystirin kama tegin, mar walba shaqadeyda ayaan gutaa, qaabka ugu haboon, waana dabeecadayda iyo sidaan sameeyo” ayuu sii raaciyay Ibrahimovic.

“Inaan ahay ciyaartooy Manchester United u dheela, ma garanayo inta qof ay arrintaasi u suurtogashay inay Man Utd u ciyaaraan, laakiin waxaan ahay haatan ciyaartooy ka tirsan MU, dadku waxay la doonayeen inaan halkan imaado, aniga ayaana doortay naadigan, waxaana doortay kooxda ugu fiican Horyaalka Ingiriiska, waana siday tahay”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close