Real Madrid oo go’aan ka qaadatay hadaladii Gerard Pique

(Madrid) 29 Maarso 2017 Maamulka kooxda Real Madrid ayaa saaka isugu yimid fadhi ay uga hadlayeen hadalada lidka ku ah kooxda oo ka soo yeeray Gerard Pique.

Laacibka Barcelona ayaa ku eedeeyay Real Madrid inay dhibaato marwalba u maleegto ciyaartoyda kooxdiisa gaar ahaan Messi iyo Neymar.

Wuxuu kaloo shaki galiyay Champions League-gii ay Real Madrid ku guulaysatay 2014, markaas oo Ramos uu daqiiqadihii ugu danbeeyay ee ciyaarta uu ka dhaliyay Atletico goolkii barbaraha kaas oo uu ku tilmaamay inuu ahaa garab dhaaf.

Maamulka Real Madrid ayaana ku wargaliyay qareenkooda gaarka ah inuu sifiican u eego hadalada Pique si ay ula tiigsadaan garsoorka dalka Spain.

Cadena Cope ayaana goor dhaw baahisay in maamulka Real Madrid ay siwada jir ah u go’aansadeen inaysan maxkamad la tiigsan laacibka Barcelona, maadama hadaladiisa aysan u arkin kuwo muhiim ah.

Waxaana xusid mudan in mid kamid ah xubnaha maamulka Real Madrid uu meesha ka yiri: “Waa kuma Pique? sida ay baahisay isla idaacadaan.

pique

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close