Pique oo markale weeraray Real Madrid: Sax ma ahayn Champions League-gii ay ku guulaysteen”

(Barcelona) 29 Maarso 2017 Daafaca kooxda Barcelona ee Gerard Pique ayaa siiwada weerarka uu ku haayo kooxda uu aadka u necebyahay ee Real Madrid.

30 jirkaan oo ka carooday su’aal ku aadanayd in garsooraha uu caawiyay Barcelona kulankii 6-1 ee ay uga adkaadeen PSG.

Wuxuuna sheegay in Real Madrid aan laga hadlin markii Ramos uu gool garab dhaaf ah ka dhaliyay Atletico Madrid Final-kii Champions League ee 2014.

Image result for pique vs real madrid

“Goormuu na caawiyay garsooraha? Horyaalka, ma jirto wax ay nagu caawiyeen garsoorayaasha, ma waxaad igala hadlaysaan garsooraha kulankii 6-1 ee PSG? laakiin markii Real Madrid ay Champions League ku qaaday gool garab dhaaf ah ma jirin qof hadlayay” ayuu ku yiri Gerard Pique idaacada Cadena Cope.

“Waan ogahay in Real Madrid aysan i jeclayn, marwalba dhagarta waxaa laga soo maleegaa halkaas, marwalba tuhun ayaa lala daba joogaa Messi iyo Neymar, laakiin ma jirto wax tuhun ah oo loo qabsanayo Ronaldo”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close