Philipp Lahm oo faah faahiyay sababta uu u diiday xilka agaasimaha ciyaaraha ee Bayern Munich

(Munich) 29 Maarso 2017 Kabtanka kooxda Bayern Munich ee Philipp Lahm ayaa faah faahin buuxda ka bixiyay sababta uu u diiday qabashada xilka agaasimaha ciyaaraha ee kooxdiisa.

33 jirkaan ayaa ku dhawaaqay inuu ka fariisanayo kubadda cagta dhamaadka xiliciyaareed kan, waxaana loo soo bandhigay inuu noqdo agaasimaha ciyaaraha ee kooxda.

Philipp Lahm ayaana sheegay in madaxwaynaha kooxda ee Uli Hoeness uu wali yahay mid qaban kara shaqooyinkaas, wuxuuna ku amaanay inuu hormar badan u horseeday Bayern.

Image result for Uli Hoeness and Lahm

“Si guud, waxaad awoodaa inaad xakamayso wax walba oo ku saabsan kooxda marka aad tahay masuul” ayuu yiri Philipp Lahm.

“Waxaan rumaysanahay in Uli Hoeness uu wali yahay mid firfircoon, wali waa da’yaryahay, wuxuuna doonayaa inuu xakameeyo waxyaabo badan”.

“Uli Hoeness waa madaxwaynaha kooxda, waxyaabo aan la rumaysan karin ayuuna u qabtay kooxdaan”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close