MUUQAAL: David Silva xalay waa laga qaban lahaa rigoorada haddii uu Goolhaye Hugo Lloris raaci lahaa talada Olivier Giroud

oli

(Europe) 29 Mar 2017. Goolhaye Hugo Lloris ayaa iska indho tiray talo uu siyay saaxiibkii Olivier Giroud markii uu rigoorada tuurayay David Silva kulankii saaxiibtinimo ay xalay wada yeesheen France iyo Spain.

Ciyaarta oo 0-0 ayaa waxaa gool ku laad loo dhigay xulka Spain waxaana u tuurayay xiddiga Man City ee David Silva, Giroud ayaa gadaal is taagay Silva isagoo goolhayaha u tilmaamay dhanka uu u tuurayo balse Hugo Lloris ayaa isku tuuray dhanka kale iyadoo sidaa looga dhaliyay.

Gerard Deulofeu ayaa goolka labaad ugu shubay iyadoo marti galiyayaasha kulanka saaxiibtinimo looga adkaaday 2-0.

DAAWO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close