Eden Hazard oo dib ugu laabtay kooxdii uu ka soo far-camay…+SAWIRRO

(Belgium) 29 Mar 2017. Haa waa sax inay Chelsea qorsheynayso heshiis qaali ah oo ay usbuuciiba ku siineyso Eden Hazard mushaar dhan 300 kun oo bound isla markaana ay xiiseynayso naadiga wayn ee Real Madrid laakiin saas ay tahay xiddiga reer Belgium marna ma inkirsana kooxda yaraantiisa ee ka dhisan dalkiisa hooyo.

Hazard ayaa booqday maanta kooxdii dhalinyaro nimadiisa ee Royal Stade Brainois saacado yar uun kaddib markii uu u soo ciyaaray xulka Belgium.

26-jirka ayaa waxaa dhaawac kubka ah ka soo gaaray tababarka Blues, taa oo qasabtay inuu seego kulankii niyad jabka lahaa uu xulkiisa bar-baraha 1-1 la dhaafi waayay xulka Greece.

Wuxuu dib ugu soo laabtay garoomada kulankii habeen hore ee saaxiibtinimo uu xulka Belgium bar-baraha la galay Ruushka 3-3, taa oo dhiiro galin siisay taageerayaasha Chelsea ka hor kulanka ay sabtida la yeelan doonaan Crystal Palace.

Eden Hazard ayaa isla soo sawiray dhalinyarada kooxdiisii hore isagoo farxad wayn ka muuqato.

SAWIRRO:

hazard

Eden Hazard headed back to his former club after playing for Belgium in Russia

Hazard poses with a scarf and the Royal Stade Brainois goalkeeper

Hazard spent time with youngsters at his former club

Hazard signs a Chelsea shirt belonging to a Belgian youngster

Hazard walks with a Piers Morgan lookalike

Hazard in the centre circle ahead of the match kicking off

Hazard led out Hazard poses with a scarf and the Royal Stade Brainois

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close