Donnarumma oo jabiyay Rikoodh taariikhi ah oo u yaalay goolhaye Buffon

(Milan) 29 Maarso 2017 Goolhayaha da’da yar ee AC.Milan iyo xulka talyaaniga ee Gianluigi Donnarumma ayaa xalay jabiyay rikoodh u yaalay goolhaye Buffon.

Gianluigi Donnarumma ayaa xalay ku soo bilowday kulankiisii ugu horeeyay ee xulka talyaaniga, wuxuuna jabiyay rikoodh-kii Buffon.

Kadib markii uu noqday laacibkii ugu da’da yaraa ee si joogto ah ugu soo bilowda kulamada horyaalka talyaaniga isaga oo ah 18 sano iyo 8 bil, ayuu xalay sameeyay rikoodh dhanka qaranka ah.

دوناروما يحطم رقمًا تاريخيًا لبوفون

Donnarumma ayaa xalay ku soo bilowday kulankii Holland, wuxuuna noqday laacibkii ugu da’da yaraa ee ku soo bilowda shaxda xulka talyaaniga xili da’diisu ay tahay 18-jir.

Wuxuuna sidaas ku jabiyay rikoodh-kii Buffon oo ahaa laacibkii ugu da’da yaraa ee ku soo bilowda shaxda xulka, xiligaas oo uu ahaa 20-jir.

Kulankaan ma ahayn kiisii ugu horeeyay ee uu u ciyaaray xulka, wuxuuna horay uga qayb qaatay laba kulan oo saaxiibtinimo oo xulka talyaanigu uu la kala ciyaaray Germany iyo France.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close