Cristiano Ronaldo oo hadalo ka soo jeediyay xafladda furitaanka garoonka Dayuuradeed ee loogu magac daray…+SAWIRRO

(Madeira) 29 Mar 2017. Cristiano Ronaldo ayaa hadalo dabacsan ka soo jeediyay xafladda furitaanka garoonka dayuuradaha ee isaga loogu magac daray kaa oo ku yaala magaalada uu ku soo bar-baaray ee Madeira.

Kumanaan ayaa isugu soo baxay si ay u arkaan geesigooda loogu magac daray garoonka.

“Waad ku mahadsan tihiin inaad halkan u joogtaan sharafteyda,” Ronaldo ayaa sidaa yiri.

“Waa wax aad u gaar ah inaan arko in magaceyga la siiyo garoonkan diyaaradaha, qofkasta wuu ogyahay inaan ku faano dalkeyga gaar ahaan magaaladeyda.

“Aad ayuu ugu mahadsan yahay madaxwayne goboleedka inuu yeesho geesinimada iyo adeega uu ku sameeyay.”.

Deegaanka uu ka soo jeedo Ronaldo ayaa waxaa ka jiray dhaleeceymo ku aadan in laacib kubbada cagta ah loogu magac darro garoon dhan.

Ronaldo oo sheekadaa ka hadlaya ayaana yiri:

“Saaxiibkey Miguel Albuquerque, marna ma waydiisan inuu garoonka iigu magac daro, anigu ma ihi munaafaq, waana ku faraxsanahay sharaf ayayna ii tahay.

“Waan ogahay in dadka qaar ay ka soo hor jeedaan, waana ogayahay in dadka qaar oo aan halkan joogin ay ku faraxsanaan doonaan waqtigan.

“Waxaan isku dayi doonaa inaan ruux naf hurid ah ku wanaajiyo Portugal gaar ahaan Madeira, sharaf iyo Jaceyl.”.

SAWIRRO:

crr

Cristiano Ronaldo addresses the crowd at the newly named Cristiano Ronaldo International Airport

Cristiano Ronaldo keeps his distance from the bronze bust supposed to look like him

Cristiano Ronaldo and Georgina Rodriguez mingle after the ceremony

Georgina Rodriguez struts her stuff as she arrives at the launch of the airport's new name

Eyebrows we raised when the bust supposedly of Cristiano Ronaldo was unveiled

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close