Barcelona oo shaacisay mudadda uu garoomada ka maqnaan doono Arda Turan

(Barcelona) 29 Maarso 2017 Kooxda Barcelona ayaa goor dhaw shaacisay mudadda uu garoomada ka maqnaan doono laacibkooda reer turki ee Arda Turan.

Arda Turan ayuu dhaawac ka soo gaaray bowdada lugta midig xili uu ku sugnaa xerada tababarka ee xulkiisa Tukiga, kooxda ayaana ka hadashay mudadda uu maqnaan doono.

War rasmi ah oo ka soo baxay Barcelona ayaa lagu sheegay in Arda Turan uu dhaawac uga maqnaan doono kooxda mudo dhan 3-isbuuc.

Arda Turan ayaa ka soo dib dhacay inuu kooxda soo ogaysiiyo dhaawiciisa, baaritaanadii lagu sameeyay saaka ayaana lagu ogaaday in laacibku uu u baahanyahay 3-isbuuc si uu uga soo kabsado dhaawaca uu qabo.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close