Wax walba oo aad ugu baahan tahay kullamada galabta Heegan Vs Banaadir, Jeenyo Vs Dekedda

IMG_7760

(Muqdisho ) 28Maarso 2017-Maanta oo siniin ah waxaa la ciyaari doono kulamada ugu adag horyaalka mahadaama afar kamid ah kooxaha kubaddooda si weyn loo jecel yahay ay is wajahayaan.

Hoggaamiyaasha horyaalka Soomaaliya ee Banaadir ayaa la ciyaareysa  naadiga kubaddeeda laga yaaban yahay ee Heegan,halka Jeenyo iyo Dekedda ay is arki doonaan.

Kooxda Booliska ayaa dib u dhis isku sameysay iyadoo lasoo wareegtay xiddigo kala duwan taasoo ka dhigan in labadii ciyaar ee ugu dambeysay ay afar dhibcood ka heshay Elman iyo Jeenyo.

Banaadir ayaa ciyaartii ugu dambeysay waxa ay guuldarro kala kullantay Elman, halka Heegana y kasoo badisay Jeenyo.

Banaadir ayaa haddi laga badiyo galabta oo ay dhanka kale soo badiso Dekedda waxaa la gala wareegi doonaa hoggaanka horyaalka.

Geesta kale Kullan aad u xiiso badan oo ka tirsan horyaalka Soomaaliya ayaa galabta lagu ciyaari doonaa garoonka Koonis degmada C/Casiis ee gobolka Banaadir.

Ciyaartan ayaa waxaa is arki doono kooxaha Jeenyo  iyo Dekedda oo ka mid ah naadiyada ugu awoodda badan Soomaaliya.

Kullankaan ayaa ka dhici doono garoonka Koonis  waxaana koox kaste ay dooneysaa in ay guul gaarto xilli uu soconayo wajiga labaad ee horyaalka.

Jeenyo ayaa ciyaartii ugu dambeysay waxa ay guuldarro kala soo kullantay naadiga Heegan, halka Dekedda ay kasoo badisay Gaadiidka .

Dekedda ayaa macquul ah in ay galabta qabato hoggaanka horyaalka Soomaaliya, haddii laga badiyo kooxda Banaadir oo ay dhanka kale iyada guul soo gaarto.

Kooxda Jeenyo ayaa dooneysa in ay ku laabato booska saddexaad oo ay iminka ku jirto naadiga Cawo iyo Maalin, xilli Jeenyo laga sareeyo hal dhibic.

Macallin  Xoor ayaa hoggaamin doono galabta mahadaama shaqada kooxdaas uu iska casilay tababaraheedii koowaad ee Salaad.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close