WAR CUSUB: Xulka Argentina oo Kaniiniyaal laga dharjinayo si ay caawa isaga celiyaan xulka Bolivia!!!!

lio

(Bolivia) 28 Mar 2017. Tababaraha xulka Argentina Edgardo Bauza ayaa Kaniiniyaal siin doona ciyaartoydiisa si uu u caawiyo kulanka ay caawa ku wajahayaan xulka Bolivia isreeb reebka koobka adduunka.

Lionel Messi iyo xarfaantiisa ayaa caawa ku ciyaari doona magaalada leh dhulka ugu sarreeya caalamka ee heerka badda ka sarreeya 11,942ft (3,640m).

Xiddigaha Argentina ayaa qaadan doona dawooyin si ay ula tacaalaan madax xanuunka dhulka sare iyadoo kaniiniyaasha ay qaadanayaan uu ka mid yahay Viagra oo sare u qaadi doona bandhigooda.

Wiilasha xulka lagu naaneyso Albiceleste ayaa kulanka caawa ka hor qaadan doona dawooyin ay ka mid yihiin paracetamol, caffeine iyo Viagra si ay ula tacaalaan tijaabada adag ay wajahaayn, maadaama aysan 12-sanadood ku soo adkaan dhulka ay ku ciyaarayaan.

A Wada study found that Sildenafil only improves performance at very high altitude

Ciyaartoyda ayaa sidoo kale imaan doona garoonka 2-saacadood uun ka hor inta aan kubbada la baasan si ay u yareeyaan jirada ama xanuunka laga qaado dhulalka sar sare.

Kaniiniga Viagra ee ah dawo sare u qaada ama caawisa bandhiga laacibka ayaan ku jirin liiska dawooyinka laga ganaaxay ciyaaraha.

“Dhibaatada dhulalka sar sare waxay timaadaa 20-ka daqiiqo ee ugu dambeysa kulanka,” Tababaraha xulka Argentina ayaa sidaa yiri.

“Waynu arki doonnaa sida aan ula tacaalno kulanka si jir ahaaneed.

Argentina take Viagra to help stave off altitude sickness in Bolivia

“Marka aan meelo sare gaarno, ciyaartoyda waxaan siinnaa paracetamol si looga hor tago Madax xanuun.”.

Xulka Argentina inuu caawa ku ciyaarayo dhul sare oo aysan ku soo badin 12-sanadood waxaa u dheer in afar kulan laga ganaaxay kabtankooda Lionel Messi kaa oo aflagaadeeyay caawiyayaasha garsoorihii dhex dhexaadinayay kulankii ay 1-0 uga soo adkaadeen Chile isreeb reebka koobka adduunka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close