Robert Pires oo uga digay Kylian Mbappe u dhaqaaqida Real Madrid

(Madrid) 28 Maarso 2017 Halyeeyga reer France ee Robert Pires ayaa uga digay da’yarka kooxda Monaco ee Kylian Mbappe inuu u dhaqaaqo kooxda Real Madrid.

Xiddigaan ayaa aad loola xiriiriyay kooxda Real Madrid oo la sheegay inay u dhaqaaqi doonto saxiixiisa suuqa kala iibsiga ee dhamaadka xiliciyaareed kan.

Robert Pires ayaa kula taliyay Kylian Mbappe inuu laba sano kale la sii joogo kooxdiisa Monaco maadama haatan uu yaryahay isla markaana uu u baahanyahay inuu si joogto ah u ciyaaro.

“Haddii ay jirto talo aan siinayo Kylian Mbappe waa inuu ugu yaraan laba sano oo kale la sii joogaa kooxdiisa Monaco waayo waa laacib da’yar wuxuuna u baahanyahay inuu inbadan ciyaaro” ayuu yiri laacibkii hore ee Arsenal.

“Tusaale ahaan, haatan uma baahna inuu u dhaqaaqo Real Madrid, waa mid kamid ah kooxaha ugu fiican aduunka wuxuuna la kulmi doonaa cadaadis badan, Monaco waa kooxda ku haboon isaga”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close