Real Madrid oo kor u qaaday dalabkii heshiis kordhinta Isco

(Madrid) 28 Maarso 2017 Kooxda Real Madrid ayaa ku sii dhawaanaysa inay ka adkaato Barcelona isla markaana ay heshiis cusub ka saxiixdo Isco.

Xaalka kubadd sameeyaha reer Spain ee Isco ayaa aad u xumaa bilihii la soo dhaafay, laacibka ayaana qorshaynaya inuu isaga tago Real Madrid.

Balse AS ayaa baahisay in Real Madrid ay kor u qaaday dalabkii heshiis kordhinta ee ay soo hordhigeen Isco, kaas oo ahaa 6 sano oo sanadkii uu ku qaadanayo 6 milyan oo euro.

Isco

Maamulka kooxda boqortooyada Spain ayaana haatan kor u qaaday mushaarka laacibka waxayna gaarsiiyeen 8 milyan oo euro sanadkii haddii uu saxiixo heshiiskaan cusub.

Laacibka ayaa soo dhaweeyay wadahadalada haatan u socda isaga iyo kooxdiisa, waxaana muuqata in Real ay iska iibin doonto James halka Isco uu sii joogi doono.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close