DHAKAFAARKA MOU: 7 ciyaaryahan oo ka maqnaan kara Man United

England-Media-Access

(Manchester) 28 Mar 2017. Jose Mourinho waxaa soo food saaray caqabado kahor kulanka West Brome e Premier League-ga.

Tababbaraha reer Portugal waxa uu ka cabsi qabaa in uu 7 ciyaaryahan dhaawac ku waayo xilli uu kululaanayo loolanka loogu jiro ugu yaraan booska afraad.

Hada waxaa dhaawacyo ku maqan Chris Smalling, Marouane Fellaini iyo  Paul Pogba, halka ay ganaaxan yihiin Ander Herrera iyo Zlatan Ibrahimovic.

Kabtan Weyne Rooney hore ayuuba dhaawac jilibka ah saddex asbuuc ugu maqnaa mana jirto wax xaqiijinaya in uu diyaar yahay hada.

Hase ahaatee, waxaa dhici karta in Mourinho uu soo de dejiyo Weyne Rooney oo uu dhexda u adeegsado maadama ay ka maqan yihiin Pogba, Herrera iyo Fellaini.

Dhexda qura ee u fiyoow Mourinho waa Michael Carrick.

Weyne Rooney waxa ugu dambeeyday dhex uu ka dheelo waagii Louis Van Gaal.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close