Dekadda oo gacanta ku dhigtay hogaanka horyaalka kaddib markii ay dhulka ku jiiday Jeenyo isla markaana laga adkaaday Banaadir

jjj

(Muqdisho) 28 Mar 2017. Naadiga Dekadda ayaa hogaanka horyaalka Soomaaliya kala wareegtay kooxda Banaadir kaddib markii ay jilbaha u aastay Jeenyo oo ay ku martay 4-0.

Qeybtii hore ee kulanka ayaa lagu kala nastay 2-0, waxaana labada gool ee Dekadda caawiyay laacibkii hore ee Jeenyo Cabdicasiis Catoosh.

Markii la isku soo laabtay qeybtii labaad ee dheesha Dekadda ayaa la timid labo gool oo kale iyadoo hal daqiiqo ku dhalisay labadii gool ee dambe.

Guusha ayaa ka dhigan in Dekadda ay iminka hogaanka ku heyso 25 dhibcood halka Banaadir oo galabta iyana guul daro 1-0 kala kulantay Heegan ay leedahay 23-dhibcood.

Elman oo la ciyaari doonta Woxool oo aan naf badan lahayn ayaa haddii ay soo adkaado hogaanka la qaban doonta kooxda Dekadda.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close